Home Suuqa Kala Iibsiga Real Madrid & Barcelona Oo Ku Loolamaya Saxiixa Daafaca Kooxda Athletic Bilbao….

Real Madrid & Barcelona Oo Ku Loolamaya Saxiixa Daafaca Kooxda Athletic Bilbao….

387
0
SHARE

Real Madrid iyo Barcelona ayaa ku dagaalamaya saxiixa xiddiga daafaca kooxda Athletic Bilbao Aymeric Laporte.

Laporte ayaa muddo dheer bartilmaameed u ahaa Barca, halka tababarihii hore ee kooxda Bilbao Ernesto Valverde uu u yahay taageere weyn.

Si kastaba ha ahaatee, tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane ayaa ka walwalsan xulashadiisa kala duwan, isagoo doonaya in Laporte uu lasoo wareego.

Zidane ayaa doonaya inuu daafac cusub helo bisha Janaayo ka dib markii Vallego uu ku guuldareystay inuu qanciyo macalinkiisa , waxaana uu Laporte ku jira liiska ciyaaryahanada ay Real Madrid dooneyso.