Home Suuqa Kala Iibsiga Raali Ahaada Arsenal Chelsea & Manutd Mauro Icardi Oo Hishiis Cusub U...

Raali Ahaada Arsenal Chelsea & Manutd Mauro Icardi Oo Hishiis Cusub U Saxiixay…

445
0
SHARE

Inter Milan ayaa dooneysa in ay heshiiska u kordhiso laacibkeeda Mauro Icardi kaasoo qandaraaskiisa lagu jebin doono £29m, sida ay warar sheegayaan.

Icardi, waa 24-jir, wuxuu kaliya qandaraaska saxiixay October Sanadkii hore, kaasoo lagu jebin karay £100m taasoo u furan kooxaha shisheeyaha ah.

Balse hadda Premier Sport ayaa sheegaya in maamulka kooxda Inter aysan laacibkan u arkin lacagtaas mid lagu iibin karo Icardi iyo wakiilkiisa ahna xaaskiisa Wanda ayaan u wareegi Karin dhinac kale haddii ay lacag sidaas u badan ku iibineyso kooxdiisu.

Heshiiskiisa waxaa ku kordhi doonta £90m haddiiba wiilka dalka Argentine uu ka dhaqaaqayo San Siro.

Icardi ayaa sidoo kale la filayaa in mushaarkiisu uu ka badan karo halka uu hadda taaganyahay.

Manchester United iyo Arsenal ayaa dhowaanahan lala xiriirinayay iyadoo horayna ay mar u dalbatay kooxda Chelsea, Icardi ayaase qiimihii kooxahaasi ku rabeen laba u jibbaar wax ku dhow uu sare uga kacay.