Home Suuqa Kala Iibsiga Guardiola: Man City Ma Awoodi Karto Inay Ceshato Brahim Diaz.

Guardiola: Man City Ma Awoodi Karto Inay Ceshato Brahim Diaz.

207
0
SHARE

Pep Guardiola ayaa qirtay in Manchester City aysan awood u laheyn inay ceshato da ‘yarka aadka loo qiimeeyo ee Brahim Diaz si uu ugu biiro koox kale.

18 jirkaan reer Spain ayaa kaga soo biiray akadeemiga City isagoo 14 jir ah, waxaana lagu soo waramayaa inuu xiiseynayo kooxda heysata horyaalka yurub ee Real Madrid.

Diaz wuxuu sanadkii hore City u saxiixay heshiis seddex sanno ah , waxaana Guardiola uu dareensan yahay in ciyaaryahanka ay isku wadanka yihiin, inuu garoonka Etihad uu ku celin karin.
Tababarihii hore ee Barcelona ayaa u sheegay wariyaasha maanta: ayaa waxa uu yiri
“Waan u baahanay isaga, lakiin maanta suuqa waa suuq – rajada ka imaaneysa kooxaha waxaa laga yaabaa inaan laga xakameyn karin.

 

waan la hadalnay marar badan – wuxuuna noo balan qaaday inuu joogayo halkan, una ciyaaro Manchester City sababtoo ah Manchester City waxay fursad u heshay inay bilaabaan inay ku tartamaan heerka sare. qooyskiisu way ku faraxsan yihiin halkan.

City ayaa bishii lasoo dhaafay lumisay mid ka mid ah da`yarkeeda kasoo baxay Akademika kooxda, kaasi oo la yiraahdo Jordon Sancho oo 17 jir ah,

kaasi oo heshiis £8 milyan ah ugu biiray kooxda Borussia Dortmund.