Home England Mudada Paul Pogba Ka Maqnaan Doono Garoomada Oo La Shaaciyay Iyo Weliba...

Mudada Paul Pogba Ka Maqnaan Doono Garoomada Oo La Shaaciyay Iyo Weliba Xaalad Kale Oo..

305
0
SHARE

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee manchester United ayaa dhaawac ka soo gaaray kulankii ay 3-0 kaga badiyeen Basel kulan ka tirsan wareega guruubyada ciyaartii koowaad uefa Champions League,

Jose Mourinho ayaa sheegay in Pogba uu maqnaan doono “dhowr isbuuc”, ka hor inta aan baaritaan lagu sameyn arbacada oo shaaca laga qaadi doono heerka dhabta ah ee dhaawaca ciyaaryahanka.

Paul Pogba ayaana garoomada ka maqnaan doona ugu yaraan 6 isbuuc,
Dhaawaca ayaa ka dhigan in xiddiga reer France uu seegi doono kulamada Premier League ee Everton, Southampton iyo Crystal Palace; Kulanka League Cup ee Burton Albion; iyo kulanka Champions League ee ay la leeyihiin CSKA Moscow.

Waxa uu sidoo kale seegi doonaa isreeb reebka Koobka Aduunka ee qarankiisu la leeyahay Bulgaria iyo Belarus horaanta October.

Mourinho ayaana faahfaahin dheeraad ah ka bixin doona dhaawaca ciyaaryahanka shirka jaraa’iid ee uu qabandoono Jimcaha.