Home Wararka Maanta Maxaa Kala Heeysta Chelsea Iyo Arsenal: Gunners Ayaa Booqanaysa Stamford Bridge Iyagoo...

Maxaa Kala Heeysta Chelsea Iyo Arsenal: Gunners Ayaa Booqanaysa Stamford Bridge Iyagoo Cago Badan Ku Fadhin,Iyo Ogoow Wax Walba Oo Kulankan Ku Saabsan.

452
0
SHARE

Kulanka: Chelsea vs Arsenal

Garoonka: Stamfod Bridge

Waqtiga: 3:30

 

Galabta Garoonka Stamford Bridge waxaa ka dhacaya kulanka ugu adag horyaalka Premier League isbuucan, marka ay kooxda Arsenal ay booqato dhigeeda kooxda Chelsea.

labada kooxood waxay xilli ciyaareedkan kulmeen hal mar oo keliya, waxayna ahayd kulankii Community Shield oo ay Arsenal rigoorayaal ku qaaday, balse Chelsea ayaa kulankeeda ugu horaaya horyaalka ku furatay guul daro.

Chelsea:

Jamaahiirta Chelsea ayaa ka walwalsan xilli ciyaareedkan inay difaacdan koobka Premier League, iyagoo Chelsea ayaa gurigooda looga dhaliyay seddex gool, waxaana aga dhalisay kooxda Burnley maalintii furitaanka horyaalka.

wixii guuldaradaas ka dambeeyay Antonio Conte iyo ciyaalkiisa ayaa guuleystay seddex kulan afartii ciyaar ay ciyaaren horyaalka.

Chelsea ayaa jilbaha u laabtay seddexdii kulan ee ugu dambeeysay kooxaha, Tottenham,Everton iyo Leicester City.

Chelsea ayaa dareemeysa kalsooni weyn, ka dib guusheedii Champions League, kulankii ay la ciyaareen kooxda Qarabag FK, oo ay ku aasen goolal dhan 6-0.

Chelsea ayaa tijaaboyin adag maraysa xilli ciyaareedkan, waxay kulamada xiga la ciyaaraysa Stoke City oo ay banaanka kula ciyaarayso, iyo Atletico Madrid oo ay kula ciyaarayso garoonka cusub ee Atletico , iyo sidoo kale gurigeeda oo ay kusoo dhaween doonto Kooxda Goolasha sida daadka oo kale u dhalisa ee Manchester City, waana seddex kulan oo aad u adag oo seddexda isbuucood ee soo socda wajahaysa, horyaal iyo Champions League.

Chelsea ayaa badisay 7 ka mid ah sideedii kulan ee ugu danbeysay ee ay gurigooda ku ciyaaraan, 23 ka mid ah 26dii kulan ee tartamada oo dhan oo ay Stamford Bridge ku ciyaaran tan iyo markii Conte uu yimid, iyagoo dhaliyay 10 gool seddexdii kulan ee ay martigeliyaal ahaayeen xilli ciyaareedkan.

 

Conte ayaa sidoo kale heysta raaxo ah inuu nasasiiyo ciyaartoy dhowr ah oo muhiim u ahaa guushii Qarabag, sidaas darteed waxa ay noqon doontaa koox cusub oo Chelsea ah oo soo dhaweyneysa Gunners oo ku soo booqaneysa Galbeedka London maanta.

Arsenal:

kooxdan uu hogaamiyo Arsene Wenger ayaa xilli ciyaareedkan ku ciyaaraysa si cabsi ah, iyagoo imika ka ciyaaraya koobka Europa League, ka dib markii laga ciribtiray koobka xiisaha leh ee Champions League.

Xilli ciyaareedkii hore Gunners waxay isku dayday inay usoo baxdo Champions League , laakin waxaasi waxay noqden cambuulo caro saaran oo kale oo way dhici waaysay.

Arsenal ayaa is geeneysa Stamfod Bridge iyadoo cabsi ku biloowatay xilli ciyaareedkan.

gushii ugu dambeeysay ee Europa League ee ay la ciyaareen kooxda Koln ayaa ka dhigi karta kooxda Arsenal mid kalsooni badan ay heeysato kulankan, waxaana macquul ah inay ka soo kabsato duruufaha ku heeysata garoonka dhexdiisa, iyadoo kooxda tababare Arsene Wenger ay soo bandhigtay qaab ciyaareed dhanka daafaca dambeedka dhexe ka dib markii ay 3-1 ku badiyeen.

Marka laga soo tago seddexda gool, waxa laga yaabaa inay noqoto midka ugu qiimaha badan ee ka soo baxday ciyaarta inay aheyd gool uu u dhaliyay Alexis Sanchez kulankiisi ugu horeeyay ee ​xilli ciyaareedka.

Waxaa laga yaabaa in ay ahaato xaalad ciriiri ah, laakiin Arsenal ayaa si cad u muujisay guul darradii kasoo gaartay garoonkeeda Stoke City iyo Liverpool oo guulo xiriir ah ka gaartay Bournemouth iyo Koln.

Xaqiiqdii, kulankan haday guuleysto Arsenal isbuucaan waxay dubi doonta bun maadamo ay Gunners ay meelaha sare kasoo gali doonto horyaalka.

 

Gunners ayaa sidoo kale laga badiyay labadii kulan ee ay marti ahaayeen xilli ciyaareedkan iyagoo aan gool dhalin, tan iyo bishii Janaayo 7 jeer ayaa laga badiyay 11 kulan oo Premier League ah.

Kooxda Arsene Wenger ayaa badisay seddex ka mid ah afartii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaareen Chelsea, inkastoo ay ku jiraan finalka FA Cup xilli ciyaareedkii hore iyo Community Shield xilli ciyaareedkaan, iyo hadii ay ku guuleysan karaan seddex guul oo isku xigta oo ay ka guuleystan kooxda ay ku xafiiltamaan London.
waxayna taasi dhacday sanadkii 2004, waxaa hubaal ah haday Arsenal ay sameeso sidaas inuu fududaanayo qaar ka mid ah cadaadiska saaran tababaraha reer France.

 

Yaa Maqan? Yaase Jooga?

Chelsea kulankan waxaa u diyaar ah Hazard, kaasi oo kusoo bilaawan doona kulankiisi ugu horeeyay ee xilli ciyaareedkan , wuxuu laba jeer ku yimid bedal ka dib dhaawiciisa.

xiddiga reer Belgum ayaa dhaliyay seddex gool afartiisii kulan ee uu horyaalka kaga hor yimid kooxda Arsenal minankooda Stamford Bridge.

kooxda difaanaysa horyaalka sidoo kale waxay dib u heleysa Gary Cahil, kaasi oo kooxda ka ganaaxna, waxaana la filaya kabtanka inuu daafaca kula soo biloowdo Antonio Rudigar.

Conte ayaa nasasiin doona David Luis, Alvaro Morata,iyo Victor Moses ka dib wacdarihii ay dhigeen kulankii Qarabag.

Sidoo kale Arsenal ayaa isha ku heeysa inay ciyaaryahano ay nasasiiso, balse waxaa la filaya in Sanchez uu kusoo biloowdo, Saed Kalasinac, Cech,Mustafi,Koscielny,Xhaka,Ramsey,Lacazette, Ozil iyo Welbeck dhamaantooda inay kusoo biloowdan ayaa la filaya.

kooxda martida ah keliya waxaa ka maqan Coquelin iyo Cazorla oo dhawaacyo qaba.

Shaxda Macquulka Ah:

Chelsea
Courtois; Azpilicueta, Luiz, Cahill; Moses, Kante, Bakayoko, Alonso; Pedro, Morata, Hazard

Arsenal:

Cech; Mustafi, Koscielny, Monreal; Bellerin, Xhaka, Ramsey, Kolasinac; Sanchez, Ozil, Lacazette