Home Suuqa Kala Iibsiga Mauro Icardi iyo xaaskiisa Wanda Nara oo Taageerayaal ku xoomeen xilli ay...

Mauro Icardi iyo xaaskiisa Wanda Nara oo Taageerayaal ku xoomeen xilli ay ku jireen Dukaameysi “Sawirro”

536
0
SHARE

Inter Milan xiddiggeeda Mauro Icardi iyo xaaskiisa Wanda ayey taageerayaal aad u badan kusoo xoomeen, markii ay dukaameysi ka sameynayeen gudaha magaalada Milan.

Balse booqashadii weeraryahanka ee Versace siima socon Karin ogaal la’aan – isagoo timihii caddeystay ayuuna soo degay oo isla sawiray taageerayaal badan.

Gacalisadiisa oo iyaduna timaheedu caddaanka ka sameysanyihiin waxay xirneyd Koofi, waxaana la joojiyay gaarigooda iyadoo 24-jirkan uu kasoo degay gaarigiisa nuuca Buluugga ah ee Lamborghini waxayna bulshadii kusoo xoontay iskala qaadeen sawirro.

Waddooyinka qaar waxaa jaray taageerayaal doonaya in ay sawirro nuuca iska qaad ah “selfie” ay la galaan lammaanaha oo farxadna u muujinaya.

Icardi ayaa isagu diyaar ah, balse ka codsaday gacalisadiisa Wanda oo agab qaali ahna xirneyd sidoo kalena soo dukaameysan laheyd.

Wuxuu dhowaan uun saxiixay San Siro heshiis uu ku joogayo waana bishii October, wuxuuse diyaar u yahay in uu sanad dheeri ah saxiixo.

Manchester United iyo Arsenal ayaa labaduba doonaya in ay geeyaan isaga horyaalka Premier League.

Balse Inter madaxdeeda ayaa sheegaya in £100milyan oo markii hore heshiiskiisa lagu jebin karay, lagu kordhinayo 90 kale oo daba socota heshiiska uu kordhinayo waxaana laacibka Icardi iyo xaaskiisa ahna Wakiilkiisa Wanda ay qandaraaskaas u arkaan mid u wanaagsan iyaga.