Home Wararka Maanta Marcelo Oo Laacib Aan La Fileyn Ku Tilmaamay Midka Ay Ugu Adag...

Marcelo Oo Laacib Aan La Fileyn Ku Tilmaamay Midka Ay Ugu Adag Tahay In Uu Gool Ka Difaaco Ma Ahan Messi!

1000
0
SHARE

Kabtan Xigeenka Boqorada Horyaalka Spain ee Real Madrid, islamarkaana dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Brazil ee Marcelo ayaa wuxuu soo bandhigay ciyaaryahan kaliya ee ka dheela Horyaalka Yurub, kaasoo uusan celin karin marka uu garoonka ku jiro.

Wuxuu sheegay in xiddigaas uu yahay laacibka ay isku qaranka yihiin ee Neymar JR, wuxuuna ku sheegay inuu yahay mid xariif ah, islamarkaana kubado cajaa’ib soo bandhiga marka uu garoonka ku jiro, isagoona cadeeyay inuu yahay cadowgiisa garoonka.

Wiilka Lamberka 12-aad u qaata Los Blancos ayaa wuxuu saxiixay shalay heshiis, kaasoo uu kusii dheereenaya mudda uu joogayo Horyaalka La Liga, wuxuuna saxiixay shan sano, oo qandaraas ah, waxaana uu ka dhici doonaa marka ay la gaaro sanadka 2022.

Daafacaan Garabka bidix ka xalaamasha ayaa wuxuu muhiim u yahay safka Macalin Zidane, kuwaaso sanad ciyaareed umuuqanaya inay doonayaa inay Daafacdaan, dhamaan koobabkii ay kusoo guuleysteen Xagaagii lasoo dhaafay, waxaana uu diyaar uyahay sida uu sheegay ina sidaas sameeyaan.

“Midka kaliya, oo ay igu adag tahay inaan celiyo, ayaa waxaan u maleynayaa inuu yahay Neymar, kaasoo aan aan isla tirsan yahay qaranka, Brazil,” ayuu ku sheegay Wareysi uu siiyay Wariyaasha kadib markii uu saxiixay heshiiska uu kusii joogayo Cad Cadka.