Home Wararka Maanta Manchester united oo ku dhaw inay wada hadal la furto laacib heshiiskiisu...

Manchester united oo ku dhaw inay wada hadal la furto laacib heshiiskiisu dhacayo mar dhaw

423
0
SHARE

Manchester United ayaa qarka u saaran inay wadahadalo la furto ciyaaryahanka Marouane Fellaini iyadoo rajeyneysa inuu heshiis cusub u saxiixo, sida ay sheegayaan wararku.

Mustaqbalka xiddiga heerka caalami ee dalka Belgium ayaa shaki weyni soo galay ka dib markii uu kooxda yimid Nemanja Matic oo Chelsea ka yimid xagaagan, ciyaaryahankaan ayaana weli kusoo bilaaban hal kulan xilli ciyaareedkan.

Fellaini ayaa fursad u haystay inuu ku biiro kooxda Turkiga ee Galatasaray xagaagii, laakiin tababaraha Reds Jose Mourinho ayaa muujiyay sida uu muhiim ugu yahay ciyaaryahanka isagoo diiday inuu ka huleelo Old Trafford.

Mourinho ayaa laga soo xigtay inuu sheegay in kooxda United ay daciif tahay marka Fellaini uusan ku jirin,
waxa uuna mourinho doonaya heshiis kordhinta laacibkaan noqday badalka ugu sameynta badan kooxda Manchester united

si kastaba ha ahaatee 29 jirkan waxa uu heshiiska uu hada kula jiro kooxda man United uu dhacaya xagaaga 2018