Home Suuqa Kala Iibsiga Man United oo wakiillo u dirtay Nainggolan iyo Saul Niguez

Man United oo wakiillo u dirtay Nainggolan iyo Saul Niguez

245
0
SHARE

Jose Mourinho ayaa shaaciyay in ay wakiillo soo daawada u direen Radja Nainggolan iyo Saul Niguez kuwaas oo midkoodii ay soo qaataan uu beddeli doono Michael Carrick dhammaadka xagaagan.

Naadiga Red Devils macallinkeeda ayaa ku qasban in uu beddel ka raadsado 36-jirkan oo kabaha ku siiban doona Old Trafford xagaaga dambe.

Sida uu warinayo Daily Star, 2 wakiil ayaa loo diray sidii ay usoo daawan lahaayeen ciyaartii Roma vs Atletico Madrid ee Champions League.

Labada boos dhexaad ayaa kasoo muuqday ciyaartii Stadio Olimpico ee 0-0 lagu galay Italy, iyadoo Mourinho uu xagaaga dambe qorsheynayay soo qaadashada laacib booska dhexe ku wanaagsan.

Nainggolan, waa 29-jir, wuxuuna 7 Sano ka weynyahay da’yarka reer Spain, wuxuuna dhowaanahan heshiis u saxiixay kooxda Serie A kaasoo gaaraya tan iyo 2021.

Halka Saul qudhiisu uu heshiis saxiixay July isagoo 9-sano oo qandaraas ah saxiixay, wuxuuna kooxda macallin Diego Simeone ka mid ahaan karaa ilaa 2026.

Marka aan dib ugu laabano June kooxda ku guuleysatay Europa League ayaa hoos u dhigtay qorshe ay kusoo qaadan kartay 22-jirkan 3-sano ka hor – iyadoo go’aankaas lagu sheegay mid gurracnaa.