Home Champions League Man City Oo Labo Cad Kakala Dhigtay Kooxda Fayenoord, Xilli Wiilasha Guardiola...

Man City Oo Labo Cad Kakala Dhigtay Kooxda Fayenoord, Xilli Wiilasha Guardiola ay 4-0 Ku Xaaqen Dhigooda Fayenoord.

224
0
SHARE

Kooxda Manchester City ayaa dharbaaxo kulul ku dhufatay kooxda Fayenoord, iyadoona ay ku dubatay 4-0, Stones ayaa ciyaarta labdo gool dhaliyay.

Daafaca City John Stone ayaa ku qaadatay keliya 1 daqiiqo inuu hogaanka u dhiibo kooxdiisa ka dib caawin uu ka helay David Silva.

Stones ayaa loo diiwan geliyay ciyaaryahankii goolka ugu dhaqsiyaha badan ee madax ugu dhaliya kooxda Man City.

10 daqiiqo markay socotay ciyaarta Kun Aguero ayaa ciyaarta ka dhigay 2-0.

25 daqiiqo ka dibna Jesus ayaa kan 3aad ku tariiqay shabaqa kooxda Fayenoord.

Qeybta hore 3-0 kaas oo ay City ku hor kacaysa ayaa lagu kala maray.

qebta labaad City halkooda ayee ka wateen bandhigooda waxaana daqiiqadii 63aad goolka 4aad u dhaliyay Stones, kaasi oo dhaliyay goolkiisa labaad ee ciyaarta.

Guud ahaan ciyaarta ayaa ku dhamaatay 4-0 oo ay guusha ku raacday kooxda Man City.

Sidoo kale ciyaartii kale ee isla Groupkan F, ee u dhaxeysay Shakhtar iyo Napoli, waxaa 2-1 ku badisay kooxda Shakhtar Donestk.