Home Suuqa Kala Iibsiga Madaxweynaha Real Madrid Florentino Oo Weerar Ku Ah Real Sociedad, Daafac Ayuu...

Madaxweynaha Real Madrid Florentino Oo Weerar Ku Ah Real Sociedad, Daafac Ayuu Ka Doonaya?

230
0
SHARE

Madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa ka faa’iday safarkooda San Sebastian si uu u weydiisto mid ka mid ah xiddigaha da’da yar ee Real Sociedad.

Real ayaa kasoo qaadatay Anoeta seddexda dhibcood iyadoo Florentino uu si gaar ah ula socday Alvaro Odriozola oo ah daafaca midig ee kooxda Sociedad.

Daafaca da ‘yarka ah ayaa ku jira liiska ciyaartoyda Real ,waxayna doonayan inay ka dhigtaan bedelka Danilo ka dib markii uu xagaagan ku biiray Manchester City.

Diario Gol ayaa sheegaysa in ka hor inta uusan bilaabanin ciyaarta, uu Florentino weydiistay agaasimaha Real Sociedad qiimaha Odriozola, kaaso qandaraaskiisa lagu burburin karo € 50 milyan.