Home Arsenal Ma Dhab Baa Qorsho Qarsoon Iney Degtay Man Utd Oo Aay Ku...

Ma Dhab Baa Qorsho Qarsoon Iney Degtay Man Utd Oo Aay Ku Hanan Doonto Mesut Ozil…

433
0
SHARE

Laacibka xulka Germany ayuu heshiiskiisa waqtigan dhacayaa dhammaadka xagaagan, iyadoo 28-jirkan si xooggan loola xiriirinayo in uu kooxda ka tegayo.

Arsenal ayaa la rumeysanyahay in £275,000 usbuucii ay miiska u saareyso laacibka booska dhexe, balse waxaa laga yaabaa in uu gaaro £350,000 Usbuucii.

Wararka ka imaanaya dalka Germany waxay sheegayaan in tan iyo February ay kooxda Manchester United isku deyeysay qaadashada laacibkan, ha yeeshee ay ku fashilantay.

Arsene Wenger ayaa sheegay in uu kalsooni badan ku qabo in Mesut Ozil uu heshiiska u kordhin doono kooxda Arsenal xilli dhowaan la sheegay in wadahadalladii laacibka Germany ay kula jireen uu burburay, in kastoo ay xaaladda qabojineyso kooxdu.