Home Wararka Maanta Luka Modric oo Tale wanagsan siiyay Gareth Bale Naadigee Ayuu Kula Taliyay?

Luka Modric oo Tale wanagsan siiyay Gareth Bale Naadigee Ayuu Kula Taliyay?

619
0
SHARE

Cayaaryahanka khadka dhexe ee Naadiga Real Madrid ee Luka Modric ayaa xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Gareth Bale kula taliyay in uu ka fiirsado in uu ku biiro kooxda Man United xagaaga dambe si uu u soo nooleeyo qaab ciyaareedkiisa lumay xilli ciyaareedkan.

Wargayska kasoo baxa dalka spain Don Balon ayaa sheegay in luka Modric uu ka war qabo dhibaatada uu laacibka ku jiro isaga oo jamaahiirta kala kulmay orin iyo dhaleecayn aad u badan kadib markii qaab ciyaareedkiisu hoos u dhacay xilli ciyaareedkan.

Taageerayaasha Real Madrid ayaa dalbaday in aan xiddigan lagu bilaabin shaxda Naadiga Real Madrid ee midkood lagu badalo xiddigaha Isco ama Asensio isaguna kursiga kaydka iska fadhiyo.

Sidoo kale manchester United ayaan wali ka harin xiisaha xiddigan oo ay u qabtay ilaa wakhtigii macalin Sir Alex Fergusan waxana uu jose Mourinho doonayaa in uu xiddigan dalka wales dib ugu soo celiyo Horyaalka premier league.

Marka uu eegay dhibaatooyinka haysata xiddigan Modric ayaa xiddigii hore ee kooxda Tottenham kula taliyay in uu ka u dhaqaaqo garoonka Old Trafford si uu u noqdo xiddiga 1-aad ee kooxda macalin Mourinho.