Home Champions League Liverpool Iyo Sevilla Oo Dhibcaha Ku Kala Qaybsaday Anfield, Kadib Markii Ay...

Liverpool Iyo Sevilla Oo Dhibcaha Ku Kala Qaybsaday Anfield, Kadib Markii Ay Barbaro 2-2 Isla Dhaafi Waayen.

203
0
SHARE

Kooxaha Liverpool iyo Sevilla ayaa kulan xiiso badan ku dhex maray garoonka,

ay ku ciyaarto kooxda Liverpool ee Anfield, balse labada koox ayaa isku dhaafi waayay barbaro 2-2.

ciyaartan oo xiiso lahayd marka ay 5 daqiiqo socotay waxaa hogaanka ciyaarta qabatay kooxda Sevilla, waxaana goolka u dhaliyay Ben Yedder.

Balse daqiiqadii 21aad Firmino ayaa u barbareeyay kooxda Reds.

daqiiqadii 37aad Liverpool ayaa hogaanka qabatay, ka dib markii uu gool u dhaliyay Mohamed Salah.

dhamaadkii qeybta hore ee ciyaarta Reds ayaa hogaanka dheeresan kartay, ka dib markii uu rigoore ka qasaariyay Firmino, kaasi oo qoriga goolka ku dhuftay kubada.

Qeybta hore 2-1 oo ay Reds ku hogaaminayso ayaa lagu kala nastay.

qeybta labaad markii leskugu soo noqday kooxda Sevilla ayaa sameesay dhaq dhaqaaq badan , waxayna daqiiqadii 72aad ay heshay goolka barbaraha ee 2aad, waxaana u dhaliyay Correa.

Guud ahaan ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-2 oo ay labada dhinac isku dhaafi waayen.

sidoo kale kulankii kale ee isla Groupkan E, wuxuu dhex maray kooxaha NK Maribor iyo Spartak Moscow iyaguna barbaro 1-1 ayee isku dhaafi waayen.