Home Suuqa Kala Iibsiga Kooxda Man United Oo Indhaha La Raacaysa Xiddiga Kooxda Atletico Madrid……

Kooxda Man United Oo Indhaha La Raacaysa Xiddiga Kooxda Atletico Madrid……

458
0
SHARE

Manchester United ayaa qarka u saaran inay hesho bedelka kabtanka kooxda Michael Carrick.

Daily Star ayaa ku warameysa in labo ciyaaryahan oo uu Jose Mourinho isha ku haayo.
Jose Mourinho ayaa daawaday kulankii Isbuucii lasoo dhaafay ee Champions League ee u dhaxeeyay Roma iyo Atletico Madrid.

Wuxuuna si gaar ah u daawanayay ciyaaryahan khadka dhexe ee Saul Niguez oo 22 jir ah,
Mourinho ayaa sidoo kale doonaya in kooxda uu keeno xiddiga khadka dhexe ee Roma Radja Nainggolan oo 29 jir ah.

kabtan Carrick oo 36 jir ah, ayaa la filayaa inuu xilli ciyaareedkiisii ugu dambeeyay u ciyaarayo kooxda United.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa Red Devils 2006dii kaga soo biiray Tottenham, waxaana uu haatan u saftay 459 kulan.