Home Suuqa Kala Iibsiga Kevin De Bruyne Oo Qarka U Saaran Inuu Heshiis Cusub U Saxiixo...

Kevin De Bruyne Oo Qarka U Saaran Inuu Heshiis Cusub U Saxiixo Man City?

310
0
SHARE

Kubadsameeyaha Manchester City Kevin De Bruyne ayaa lagu soo waramaya inuu qandaraaska u cusbooneysiinayo.

Pep Guardiola ayaa ku amaanay 25 jirkaan qaab ciyaareedkiisa fiican ee xilli ciyaareedkan, isagoo ku bilowday dhammaan lixdii kulan ee tartan rasmi ah, isagoo qeyb muhim ah ka qaatay guulilhi ay kooxdiisa gaartay seddexdii kulan ee ugu dambeeysay.

Sida laga soo xigtay The Mirror, City ayaa haatan dooneysa inay heshiis la gaarto ciyaaryahanka reer Belgium isagoona kor loo qaadayo mushaarkiisa todobaadlaha.

Isbuucaan Guardiola ayaa amaanay De Bruyne, isaga oo ku tilmaamay “mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican ee uu nolashiisa arkay” wuxuuna ugu yeeray “ciyaaryahan sare”.

De Bruyne ayaa weli heystaa seddex sanno oo heshiis ah oo uu saxiixay markii uu ku biiray City oo uu kaga soo biiray kooxda Wolfsburg sannadkii 2015