Home Suuqa Kala Iibsiga Karim Benzema Miyuu Ka Tagaya Real Madrid? Maxaa Ka Jira Wararka Sheegaya...

Karim Benzema Miyuu Ka Tagaya Real Madrid? Maxaa Ka Jira Wararka Sheegaya In Arsenal Ay La Wareegayso?

525
0
SHARE

Weeraryahanka Kooxda Real Madrid  Karim Benzema ayaa hoos u dhigay wararka sheegaya inuu kooxda  ku ciyaarta kalcada Bernabeu uu ka tagayo.

Benzema ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu sii joogo kooxda ugu fiican adduunka ee Real Madrid waa sida uu yiri ciyaaryahanka.

 

 

29 jirka reer France dhawaan dhaawac muruqa ah soo gaaray,waxaana lala xiriirinayay inuu ka tagay caasimada Spain ee Madrid.

Warar ayaa sheegaya in Benzema uu ku biirayo kooxda Arsenal si uu ula middoobo Alexandre Lacazette.

balse Benzema ayaa biyo qabow ku shubay hadaladaas, wuxuuna sheegay inuusan ka tagayn kooxda uu baaqi kusii ahaan doono.