Home Suuqa Kala Iibsiga Karanka Miyuu Qabanaya Xilka Macalinnimo Ee Kooxda Alaves, Ka Dib Ceyrintii Zubeldia?

Karanka Miyuu Qabanaya Xilka Macalinnimo Ee Kooxda Alaves, Ka Dib Ceyrintii Zubeldia?

247
0
SHARE

Aitor Karanka ayaa lala xiriirinaya inuu qabto xilka macalinimo ee kooxda Alaves ka dib markii ay iska ceyrisay Luis Zubeldia.

Zubeldia ayaa la eryay xalay ka dib markii guuldarro 3-0 ay ka soo gaartay Villarreal taasoo u muuqatay inay ku guuldareysteen inay mar kale badiyaan, iyagoona kulankooda afaraad guuldareystay . tababaraha reer Argentine ayaa la weydiiyay ciyaarta ka dib inuu mustaqbalkiisa shaki ku jiro, wuxuuna kaga jawaabay diidmo.

Haddaba Alaves war rasmi ah oo ay soo saartay ayaa waxay ku sheegtay in Javier Cabello, oo ah maamulihii hore ee dhaqanka Leonesa uu sii wadi doono hoowsha. Waxay sidoo kale u mahadceliyeen Zubeldia “shaqadii uu qabtay waqtigii uu joogay naadiga waxayna u rajeeyen nasiib wacan.”

Karanka, ayaa diyaar ah ka dib markii uu ka soo tagay Middlesbrough, waxaana lala xiriirinaya inuu shaqadan qabto.
Karanka ayaa hore kasoo shaqeeyay Spain, wuxuuna ahaa tababare ku xigeenkii Real Madrid.