Home Suuqa Kala Iibsiga Kabtanka Barcelona Iniesta Oo Aad Aga Careysan Tababare Valverde Ka Dib Bedaladii...

Kabtanka Barcelona Iniesta Oo Aad Aga Careysan Tababare Valverde Ka Dib Bedaladii Uu Ku Sameeyay Qeeybta Hore Ee Ciyaartii Getafe.

348
0
SHARE

Tababaraha Barcelona Ernesto Valverde iyo kabtanka kooxda Andres Iniesta ayaa qalalaase soo dhex galay, ka dib bedalkii lagu sameeyay kulankii Sabtidii ay 2-1 kaga badiyeen Getafe.

Iyadoo Barca ay shaqeyneysay qeybtii hore, Valverde ayaa kabtan bedalay daqiiqadii 46aad markaas oo uu ku bedalay Denis Suarez, balse warar kale ayaa sheegaya in ciyaaryahanka uu dhaawac gaaray

Diario Gol ayaa sheegaysa in Inesta uu ka carooday go’aankii uu qaatay tababare Valverde, waxaana uu diidey in uu qariyo xanaaqiisa qeybtii labaad ee ciyaarta markii uu arkay Barca oo gadaal u guratay.

Valverde ayaa doonayay inuu bedalka tijaabiyo, si ciyaarta weji kale u yeelato, lakiin looma filaynin in Iniesta uu ka saarayo.