Home Suuqa Kala Iibsiga Julian Draxler Oo Dhabarka Aadinaya PSG ,Isagoona Doonaya Inuu Ku Biiro Kooxda...

Julian Draxler Oo Dhabarka Aadinaya PSG ,Isagoona Doonaya Inuu Ku Biiro Kooxda Reer Spain?

250
0
SHARE

Julian Draxler ayaa ku rajo weyn inuu iskaga tago kooxda PSG ka dib markii uu booskiisa u waayay Neymar.

Neymar ayaa ku biiray kooxda Faransiiska isagoona lacag rikoorka adduunka ah oo dhan £ 200 milkan kaga yimid kooxda Barcelona.

Draxler ayaa boos ka waayay kooxda Unai Emery, iyadoo Neymar iyo labada ciyaaryahan ee kale ee Edinson Cavani iyo Kylian Mbappe ay yihiin dooqo koowaad.

Don Balon ayaa sheegaysa in Draxler uu doonayo inuu ka tago Paris.

Laakiin, ka dib markii uu ciyaaray 30kii daqiiqo ee ugu danbeysay ee uu ka horyimid Celtic, ayaa waxay u muuqata mid dhaqaaqaya bisha Janaayo.

Draxler ayaa ka mid ahaa dooqa Barca ee xagaagaan, iyagoo doonayay in ay ku badalaan Neymar, lakiin waxa ay ku guuleysteen inay soo qaatan Ousmane Dembele kaasi oo ka yimid kooxda Borussia Dortmund.

Dembele ayaa si wacan ku bilowday Camp Nou, waxaana uu ka garab ciyaaraya Lionel Messi iyo Luis Suarez.

Laakiin Draxler ayaa laga yaabaa inuu iskaga tago kooxda PSG, si uu ugu biiro kooxda uu hogaamiyo macalin Ernesto Valverde.

Barcelona ayaa hadda hogaaminaysa horyaalka Laliga, ka dib markay labo barbro gashay kooxda ay xifaaltaman ee Real Madrid.

dhanka kale Neymar ayaa hadda u dhaliyay kooxdiisa PSG 4 Gool iyo 4 caawin.