Home Wararka Maanta Jose Mourinho oo ka hadlay ninka Beddelaya Pogba iyo Inta kulan ee...

Jose Mourinho oo ka hadlay ninka Beddelaya Pogba iyo Inta kulan ee uu Maqnaan doono laacibku

298
0
SHARE
MANCHESTER, ENGLAND - SEPTEMBER 12: Paul Pogba of ManchesterUnited reacts to being forced off through injury during the UEFA Champions League Group A match between Manchester United and FC Basel at Old Trafford on September 12, 2017 in Manchester, United Kingdom. (Photo by Laurence Griffiths/Getty Images)
MANCHESTER, ENGLAND – SEPTEMBER 12: Paul Pogba of ManchesterUnited reacts to being forced off through injury during the UEFA Champions League Group A match between Manchester United and FC Basel at Old Trafford on September 12, 2017 in Manchester, United Kingdom. (Photo by Laurence Griffiths/Getty Images)

Cayaraha.com Manchester United macallinkeeda Jose Mourinho ayaa ka hadlay inta kulan ee uu maqnaan doono laacibka Paul Pogba oo uu ku sheegay dhowr kulan.

Laacibka Faransiiska ah oo 24-jir ah, waxaa laga saaray kaliya 19 daqiiqo markuu socday kulankii United ee Champions League ay uga badiyeen Basel Talaadadii isagoo muruq ka dhaawacmay.

Pogba, oo door muhiim ah ka ciyaaray United rioorkeeda khasaare la’aaneed ee Premier League xagaagan, waxaa lasoo sawiray isagoo Old Trafford uga baxaya biraha dadka jabay ay ku hitiyaan.

Mourinho ayaa kaliya xaqiijiyay in uusan laacibku imaan doonin kulanka Everton, balse ma hubo ayuu yiri kulamada kale ee uu sii maqnaan doono.

“Ma garanayo,” waxaa yiri Mourinho mar la weydiiyay ka waran Pogba in uu idinka maqanyahay kulanka Everton.

“Waxaan kaliya ee ogahay in uu yahay dhaawac muruqa ah, kulankan wuu seegayaa, waa midkaas kan aan ka warqabo. Mana filayo in kulamo kale uu seego.

“Aniga dhankeyga, wey ila sahlantahay: in kastoo uusan Usbuucan ciyaareynin. Waa dhibaato muruqa ah bes.

Mourinho ayaa ku daray hadalkiisa uu siiyay MUTV: “Dhaawaciisa ayaa fursad u ah ciyaartoy kale, weyna isku soo saari karaan.

Ander Herrera ayaa beddelaya Pogba kulanka Everton, wiilka Spain ayaana ka mid ahaa xiddigihii ku lug lahaa ciyaartii Basel.