Home Wararka Maanta Hordhaca Kulanka: Real Sociedad vs Real Madrid, Zidane Iyo Ciyaalkiisa Oo Isha...

Hordhaca Kulanka: Real Sociedad vs Real Madrid, Zidane Iyo Ciyaalkiisa Oo Isha Ku Haaya Inay Seddexda Dhibcood Kasoo Qaatan Anoeta.

401
0
SHARE

Kulanka: Real Sociedad vs Real Madrid

Garoonka: Anoeta

Waqtiga: 9:45 caawa

 

Kooxda heysata horyaalka Spain Real Madrid ayaa isku dayi doonta inay ku soo laabato wadada guusha ee horyaalka La Liga marka ay booqanayaan Real Sociedad caawa.

Los Blancos ayaa lumisay afar dhibcood labadii kulan ee ugu dambeysay ee horyaalka, waxaana ay booqan doontaa kooxda Sociedad halkaas oo ay kulan xiiso leh kula ciyaarayso.

 

Real Sociedad

Barcelona iyo Sociedad ayaa imika hogaaminaya horyaalka waxayna badiyeen dhammaan seddexdii kulan ee ay ciyaareen horyaalka bilowgii xilli ciyaareedka cusub – waxayna Sociedad dhalisay 10 gool tartamada oo dhan,Halka Barcelona ay dhalisay 11 gool.

Sociedad waxaa ugu dambeeysay inay kaalinta 4aad kaga dhameeysato horyaalka La Liga dhammaadkii xilli ciyaareedkii 2012-13, Sociedad waxa ay maanka ku haayan inay meel sare kasoo galaan horyaalka.

Kooxda Eusebio Sacristan ayaa xilli ciyaareedka bilowgiisa waxay 3-0 kaga badisay kooxda Celta Vigo, waxay sidoo kale garaacday Villarreal iyo Deportivo La Coruna.

kooxda Basque ayaa sidoo kale kulankaan heeysata dhiiro gelin ka dib guushii 4-0 ee ay ka gaareen Rosenborg tartanka Europa League.

Isku dheeli tirka Europa League iyo La Liga ayaa u noqon doonta kulan adag macalin Eusebio xilli ciyaareedkan, waxaana xiiso weyn u noqon doonaa inuu arko sida ay muhiim u tahay tartamada Yurub, gaar ahaan haddii qaab ciyaareedkooda cajiibka ah ee ay ku sii socdaan.

Ciyaartoyda da’da yar ee xiisaha leh iyo ciyaartoyda khibrad leh ee Sociedad ayaa raadineaya inay dharbaaxo kale ku dhufato kooxda Real Madrid oo afar dhibcood lumisay labadii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka.

Sociedad seddex kulan ayee ciyaartay horyaalka, seddexduna waay wada badisay, waxay dhalisay 10 gool, labo goolna waa laga dhaliyay.

Real Madrid

Iyadoo Barcelona ay garaacday shalay kooxda Getafe waxay ka dhigtay in Real Madrid todobo dhibcood hogaanka ay kaga heyso.

Los Blancos ayaa xilli ciyaareedkan ku furatay guul, ka dib markii ay 3-0 kaga badiyeen Deportivo La Coruna, laakiin barbaro ayaa waxay la galeen kooxaha Valencia iyo Levante, waxayna sidaasi ku heshay ayaa shan dhibcood.

 

Cristiano Ronaldo ayaa ku soo laabtay qaab ciyaareedkiisa kulankii arbacada ee Champions League ,Ronaldo ayaa 2 gool dhaliyay kulankii ay 3-0 kaga badiyeen APOEL, taasoo ka dhigtay Real Madrid inay ku bilaabato xilli ciyaareedkooda Group H si fiican.

Ronaldo kulankan wuu ka ganaaxan yahay balse cadaadiska ugu badan wuxuu saaran yahay Gareth Bale, kaasoo ku dhibtooday inuu qaab ciyaareed fiican uu soo bandhigo xilli ciyaareedkii hore iyo xilli ciyaareedka cusub.

Real Madrid ayaa hanatay xilli ciyaareedkii hore horyaalka La Liga, laakiin waxay rikoor ka heystaan ​Sociedad, waxaana ay badiyeen 15 ka mid ah 19 kulan oo ay marti ahaayeen xilli ciyaareedkii hore oo ay qaaden horyaalka.

 

Yaa Maqan? Yaase Jooga?

Juanmi iyo Kevin Rodrigues ayaa la filaya inay kusoo biloowdan shaxda kooxda,ka dib markay keeydka ku jireen kulankii Rosenborg ee talaadadii.

Adnan Januzaj ayaa sidoo kale la rajeenaya inuu kusoo biloowdo, Carlos Vela ayaa isna la filaya inuu kula soo biloowdo Willian Jose iyo Diego Llorente.

dhanka kooxda Real Madrid, Ronaldo ayaa ka maqan wuxuuna maraya ganaaxi ugu dambeeyay, halka Benzema uu dhaawac muruqa ah kaga maqan yahay kooxda.

Waxaa la filaya kulankan inuu kusoo laabto Marco Asensio kaasi oo kulankii ugu dambeeyay ee Madrid maqna sidoo kale Bale ayaa isha lagu wada haaya iyo Isco.
sidoo kale Varane ayaa la rajeenaya inuu kusoo biloowdo.
Marcelo ganaax ayuu kulankan ku seegaya, balse waxaa diyaar ah oo booskiisa bedalaya Theo Hernandez.

Shaxda Macquulka ah:

Real Sociedad:
Rulli; Odriozola, Rodrigues, I.Martinez, Llorente; Prieto, Illarramendi, Zurutuza; Juanmi, Willian Jose, Vela

Real Madrid:
Navas; Carvajal, Varane, Ramos, Nacho; Modric, Kroos, Casemiro; Bale, Asensio, Isco