Home Suuqa Kala Iibsiga Hordhaca Kulanka: Manchester United VS Everton, Rooney Oo Old Trafford Kusoo Laabanaya,...

Hordhaca Kulanka: Manchester United VS Everton, Rooney Oo Old Trafford Kusoo Laabanaya, Iyo Man United Oo Isha Ku Heeysa Inay Hogaanka Qabato.

430
0
SHARE

Kulanka: Man United vs Everton

Garoonka: Old Trafford

Waqtiga: 6:00

 

Manchester United ayaa isha ku heysa inay sii wadato guulaheeda xilli ciyaareedkan Premier League marka ay Old Trafford Ku casuumto Everton Old Trafford

Wayne Rooney Gooldhaliyihii hore ee Unitedka, ayaa kusoo laabanaya masraxa riyada markii ugu horeysay tan iyo markii uu ku biiray kooxda Toffees, kabtankii hore ee England ayaa doonaya inuu horumariyo kooxdiisa cusub madaama uu niyadjab ku bilowday xilli ciyaareedkan.

Waxaa hubaal ah in geesigan si aad ah loogu soo dhaweyn doono kooxdiisa horetiisa Rooney, taageerayaasha United ayaa soo dhaweeynaya ciyaaryahankii u dhaliyay 253 gool, una saftay 559 kulan.

31 jirkaan oo Everton kusoo biiray waxa uu dareemaya farxad, halka taageerayaasha aysan waligood hilmaami doonin waxtarkiisa intii uu joogay 13-sano.

Romelu Lukaku ayaa ka hor imaanaya kooxdiisa hore ka dib markii uu xagaagan kusoo biiray kooxda United.

Lukaku ayaa mar kale shabaqa soo taabtay kulankii Champions League ee ay United bartamihii Isbuuca ay 3-0 kaga badiyeen Basel.
Mourinho ayaa xooga saaraya kulankan inuu badiyo si uu hogaanka ugu soo laabto,taaso ay hadda heeyso kooxda Man City.
United ayaa ku faanaysa inay tahay mid ka mid ah kooxaha ugu sareeya ee ugu xoogan horyaalka Premier League xagaagan, waxayna kulankan doonayan inay seddexda dhibcood tirsadan.

Unitedka ayaa guuleystay seddex ka mid ah afartii kulan ee ay horyaalka ciyaaren, waxayna hadda ku jirta kaalinta 2aad iyagoo leh 10 dhibcood, united waxay dhalisay afarteedii kulan ee horyaalka 12 gool, iyagoo laga dhaliyay 2 gool.

dhanka kale kooxda Everton ayaa dooneysa inay kasoo kabsato guuldarooyinkii ugu dambeeyay ee soo gaaray.

Everton hadda waxay caga cageeneysa kaalinta 17aad iyagoo badiyay kulan keliya.
labadii kulan ee ugu dambeeysay waxay dharbaaxo kala kulantay kooxaha Tottenham iyo Chelsea, halka Man City ay barbaro la galeen.

Everton waxay sidoo kale guuldaro kala kulantay kooxda reer Italy ee Atlanta kulan ka mid ah Europa League.

Kooxda Everton 4 kulan ay ciyaartay 1 kulan ayee guul gaartay ,kulana barbaro ayee gashay halka labo kulan dhuulka lagu salaaxay oo laga badiyay.

6 gool ayaa shabaqooda la taabsiyay kooxda Everton, waxayna dhaliyeen 2 gool.

Yaa Maqan? Yaase Jooga?

 

Manchester United kulankan waxay waanaysa Paul Pogba kaasi oo dhaawac qaba, wuxuuna garoomada ka maqnaanaya muddo bil ah.

balse booskas waxaa la filaya inuu buuxiyo Marouane Fellaini oo Everton hore ugu soo ciyaaray.

Mourinho ayaa cadeeyay in Bailly iyo Jones ayaa diyaar yihiin kulankan, kuna soo bilaaban karan.
balse Lindelof iyo Smalling ayaa la filaya inay seegan.

Everton waxay dhaawac ku waaynesa Rose Barkley oo muraqa ka cawanaya, iyo Ramiro Funes Mori, oo dhaawac jilibka ah qaba, Yannick Bolasie oo jilibka ka dhaawacan, iyo sidoo kale Seamus Coleman oo lugta ka jabay.
waxaase la filaya James McCarthy in la helo kulanka.

sidoo kale Schneiderlin ayaa la filaya in Rooney uu kula soo laabto Old Trafford.
Koeman waxaa diyaar u wada ah Jordan Pickford, Cuco Martina, Ashley Williams, Idrissa Gueye, Davy Klaassen and Sandro Ramirez.

Shaxda Macquulka Ah:

Man United
De Gea; Valencia, Bailly, Jones, Darmian; Matic, Fellaini, Mata, Mkhitaryan, Rashford; Lukaku

Everton
Pickford; Keane, Williams, Jagielka; Holgate, Davies, Gueye, Schneiderlin, Baines; Sigurdsson, Rooney