Home England Hordhaca Kulanka: Liverpool Vs Burnley.

Hordhaca Kulanka: Liverpool Vs Burnley.

275
0
SHARE

KULANKA: LIVERPOOL VS BURNLEY

GAROONKA: ANFIELD

WAQTIGA: 5:00.

GARSOORE: ROGER EAST.

 

Liverpool ayaa ku soo laabatay Premier League iyadoo galabta garoonka Anfield kusoo dhaweeneyso kooxda kaalinta 7 ku jirta ee Burnley,
waxayna Reds ay doonayan inay dib ugu soo laabtaan wadada guusha ka dib markii todobaadkii ay niyad jabsanayeen horyaalka Ingariiska iyo Champions League labadaba.

Reds ‘ayaa waxay ku faanayan rikoorka cajiibka ah oo ka dhan ah kooxda Clarets waxayna dareemayaan kalsooni ah inay dib ugu soo laaban karaan.

Klopp iyo ciyaalkiisa ayaa doonaya inay wax muuqda sameeyan kulankan,iyagoo maanka ku haaya inuu ka maqan yahay xiddigooda Sadio Mane, kaasi oo kulankii ugu dambeeyay ee horyaalka casaan qaatay.

Liverpool:

Liverpool ayaa isku dayday inay racfaan ka qaadato casaankii Mane, balse FA-ga ayaa kasoo diiday oo ciyaaryahanka garka u geliyay ganaax seddex kulan ah, taaso la macna ah inuu maqnaanayo kulanka Burnley, league cupka, iyo weliba kulanka Leicester City.

sidoo kale Klopp ayaa doonaya in markii ugu horaysay uu ciyaarsiyo Coutinho, kaasi oo kooxda u ciyaarin horyaalka, intuu furmay, keliya kulankii Champions League ee Sevilla ayuu bedal kusoo galay.

Coutinho ayaa loo badinaya inuu kusoo bilaawanyo kulankan.
Liverpool horyaalka waxay imika kaga jirta kaalinta 8aad, waxayna leeyihin 7 dhibcood.
kulankeedii ugu dambeeyay waxay guuldaro 5-0 kaga soo gaartay kooxda Man City.
Liverpool 4tii kulan ay ciyaartay waxaa laga dhaliyay 8 gool, halka 8 gool ay dhalisay.

Burnley

Kooxda uu hogaamiyo Maclin Sean Dyche ayaa doonaya inuu guul gaaro marka ay galabta kooxdiisa booqato Anfield.

Burnley kulankeedii furitaanka ee horyaalka waxay dhegaha ka garaacday kooxda Chelsea,
waxayna galabta dooneysa inay Liverpool ku garaacdo Anfield.

Burnley waxay hadda ku jirta kaalinta 7aad, waxayna leedahay 7 dhibcood, kulankeedii ugu dambeeyay ee horyaalka waxay guul ka gaartay kooxda cystal Palace,
4 jeer ayaa shabaqooda lasoo taabtay kooxda Burnley , halka 5 jeer ay gool dhaliyeen, xilli ciyaareedkan soconaya.

Yaa Maqan? Yaase Jooga?

Liverpool Waxaa la filaya inuu kulankan u ciyaaro Coutinho oo weli horyaalka u ciyaarin kooxda, wuxuu ciyaaryahanka bedal kusoo galay kulankii Champions League ee Sevilla.
Klopp ayaa sidoo kale kala dooran doona cida uu goosha kusoo bilaawayo, Karius ama Mignolet.
sidoo kale Daniel Sturridge, Alex Oxlade-Chamberlain, Andrew Robertson, Ragnar Klavan iyo Trent Alexander-Arnold ayaa dhamaantooda la filaya inay ciyaaran kulankan.

dhanka kooxda Burnley waxaa ka maqan Tom Heaton, kaasi muddo badan kooxda ka maqnaanaya ka dib markii uu maray qaliin garabka ah.
Nick Pope ayaa tilaabo u jira inuu fursad helo, sidoo kale Dean Marney iyo Nahki Wells ayaa diyaar u ah kulankan.
halka nin ee la wada sugaya ayaana ah Jonathan Walters , oo aad u jecel kooxda Reds, kaasi oo 7 jeer shabaqooda soo taabtay.

Shaxda Macquulka ah:

Liverpool :
Mignolet; Alexander-Arnold, Lovren, Matip, Robertson; Can, Henderson, Oxlade-Chamberlain; Salah, Firmino, Coutinho

Burnley :
Pope; Lowton, Tarkowski, Mee, Ward; Gudmundsson, Cork, Hendrick, Brady; Walters, Wood