Home Wararka Maanta Germany oo kaalinta 1-aad ka gashay qiimeynta xulalka Adduunka ee FIFA, sidee...

Germany oo kaalinta 1-aad ka gashay qiimeynta xulalka Adduunka ee FIFA, sidee loo kala sarreeyaa?

522
0
SHARE

Wales ayaa ka sarreysa dalalka kula yaalla Britain – waxayna ka horreysaa xulalka England iyo kuwo kale oo Ireland ay ka mid tahay.

Chris Coleman xulkiisa ayaa garaacay xulalka Moldova iyo Austria ciyaarihii u dambeeyay ee is reereebka World Cup-ka waxayna boos kasii qabsan karaan Russia 2018.

Waxay la macno tahay in xulka Dragons ay kasoo baxeen booska 18-aad una soo beddesheen booska 13-aad ee qiimeynta xulalka caalamka– waxayna laba boos ka sarreeyaan xulka Three Lions.

Northern Ireland waxay fadhiyaan 20-aad, halka Scotland ay fadhiso 43-aad.

Wales ayaa kaalinta labaad uga jirta Group D, 4 dhibcood ayeyna ka hooseeyaan hoggaamiyeyaasha Serbia 2 kulan ayaana u harsan.

1 Germany
2 Brazil
3 Portugal
4 Argentina
5 Belgium
6 Poland
7 Switzerland
8 France
9 Chile
10 Colombia
11 Spain
12 Peru
13 Wales
14 Mexico
15 England
16 Uruguay
17 Italy
18 Croatia
19 Slovakia
20 Northern Ireland