Home Real Madrid Daafaca Real Ee Marcelo Oo Farta Ku Fiiqay Laacibka Kaliya Ee Saaxibka...

Daafaca Real Ee Marcelo Oo Farta Ku Fiiqay Laacibka Kaliya Ee Saaxibka Ah Uu Ku Leeyahay Madrid

850
0
SHARE

Daafaca Real Madrid iyo dalka Spain, islamarkaana udhashay Brazil ee Marcelo ayaa wuxuu maanta saxiixay heshiis cusub, kaasoo uu ku kordhinayay joogitaanka Boqorada Horyaalka La Liga, waxaana uu qalinka ku jiiday heshiis garaaya illaa iyo sanadka 2022.

Xiddigaan ayaa kadib markii uu saxiixay qandaraaskaas ayaa wuxuu horyimid wariyaasha si wax looga weydiiyo sheekooyin badan oo ku saabsan nolashiisa, isagoona la weydiiyay saaxiibka kaliya ee uu haatan ku lee yahay Naadiga Los Blancos iyo xididga uu jecel yahay la joogiisa.

Wuxuu sheegay inuu lasoo dheelay xiddigo badan oo ay kamdi yihiin Ronaldinho, Ruud van Nistelrooy iyo Ronaldo, wuxuuse sheegay inuu dhamaatood lasoo qaatay waqtiyo kala duwan, wuxuuna tibaaxay inay u ahayd wax fiican uu xididgaas garoonka lasoo galay.

Balse, Marcelo oo aad mooday inuu aad ugu jahawareeray su’aashaan la weydiiyay ayaa wuxuu sheegay in CR7 uu yahay laacibka haatan jooga Madrid, ee ah mid aadka dhow islamarkaana uu jecel yahay inuu mar waliba garoonka lasoo galo inuu ka caawiyo goolal badan.

“Waxaan la qaataa Tababar badan, waxaan siiyaa Baasas badan iyo waxaan la debaal degaa marka uu gool dhaliyo, sidaas darteeda, waa midka saaxiibkeyga ah,” ayuu hadalkiisa kusii daray Kabtan Xigeenka Madrid, wiilka Lugta Bidix ku dheela ee Marcelo.