Home Real Madrid Casamiro Oo Difaacay Bale Xili Taagerayaasha Uu Sheegay In aysan Danbe ku...

Casamiro Oo Difaacay Bale Xili Taagerayaasha Uu Sheegay In aysan Danbe ku Orin doonin

510
0
SHARE

Real Madrid  xiddiggeeda Casemiro ayaa difaacay Gareth Bale keddib markii laacibka dalka Weles ay ku orriyeen taageerayaasha kooxdiisu mar kale guushii xalay ee APOEL.

Kooxda difaacaneysa Champions League ayaa ilaashatay markii 2aad oo xiriir ah hanashada koobkan waxayna 3-0 ku garaaceen Cypriots kooxda ka socota iyagoo mahadin u diraya Cristiano Ronaldo iyo Sergio Ramos.

Kooxda ku ciyaarta Bernabeu taageerayaasheeda ayaa mar kale u muujiyay xushmad darro laacibkii hore ee Tottenham.

Balse laacibka dalka Brazil ayaa sheegay in uusan u jeedin isagu ciyaar liidata oo dhankiisa ah 28-jrika garab weerarka ka ciyaara.

Casemiro ayaa yiri: “Waad arki kartaan oo Bale wuu shaqeynayaa.

“Wuxuu doonayaa in uu goolal dhaliyo, wuxuuna u dagaallamayaa Real Madrid.”

Bale ayaa kasbaday taageerayaasha kooxda markii uu ka yimid Premier League sanadkii 2013, balse markan wuxuu u muuqdaa mid laga nacay Bernabeu.