Home Suuqa Kala Iibsiga Atletico Madrid oo kulankeedii ugu horreeyay ee La Liga ah ku ciyaartay...

Atletico Madrid oo kulankeedii ugu horreeyay ee La Liga ah ku ciyaartay garoonkeeda Cusub, Wanda Metropolitano “Sawirro

492
0
SHARE

Atletico Madrid ayaa waxay ciyaartay kulankeedii ugu horreeyay ee garoonka cusub ciyaartii Sabtiga ay la qaateen kooxda Malaga oo ka dhacday Wanda Metropolitano.

Los Colchoneros ayaa calamo maca-salaameyn ah u ruxayay garoonka Vicente Calderon dhammaadka xagaagii hore, iyagoo hammiga ku haya dhismaha garoonkeeda 67,703 oo fadhi qaadka ah ee cusub.

Waxaa la arkayay calamo loo ruxayo soo dhoweynta garoonka cusub, ka hor inta aan kulanka la baasan.

Atleti taageerayaasheeda ayaa si weyn ugu dabbaal degay guushii 1-0 aheyd ee ay ka gaareen Malaga, jeer ay ku dheeleen garoon cusub.

Kooxda iyo macallin Diego Simeone ayaa doonaya in xagaagan cusub uu wax weyn ka beddeli doono halkii ay sanadkii hore ka joogeen La Liga.