Home Suuqa Kala Iibsiga Arsenal, Spurs & Inter Milan Oo Ku Dagaalamaya Saxiixa Adrien Rabiot.

Arsenal, Spurs & Inter Milan Oo Ku Dagaalamaya Saxiixa Adrien Rabiot.

419
0
SHARE

PSG ayaa diyaar u ah inay dhageysato dalabyada u imaanaya Adrien Rabiot bisha Janaayo.

Arsenal iyo Tottenham ayaa wada doonaya saxiixa Rabiot Bisha Janaayo,laakiin Inter Milan ayaa sidoo kale kula tartamaysa.

Kooxda ka dhisan Serie A ayaa dib u soo celisay xiisaha ay u qabto Rabiot.

Rabiot, oo 22 jir ah, ayaa weli qalinka ugu duugin Kooxda PSG heshiis cusub, iyadoo qandaraaskiisa haatan uu dhacayo xagaaga 2019.

PSG way diidan tahay inay u ogolaato inuu tago maadaama uu yahay xiddig qibrad leh. Waxa uu u ciyaaray 39 jeer xilli ciyaareedkii hore, isagoo dhaliyay afar gool.