Home Suuqa Kala Iibsiga Alvaro Morata Ayaa Sharaxaad ka bixiyay sababihii Bur-Buriyay Heshiiskii Manchester United

Alvaro Morata Ayaa Sharaxaad ka bixiyay sababihii Bur-Buriyay Heshiiskii Manchester United

307
0
SHARE
Chelsea's Spanish striker Alvaro Morata attends team training session at Chelsea's Cobham training facility in Stoke D'Abernon, southwest of London, on September 11, 2017, on the eve of their UEFA Champions League Group C football match FQ Qarabag. / AFP PHOTO / Adrian DENNIS (Photo credit should read ADRIAN DENNIS/AFP/Getty Images)

Alvaro Morata ayaa shaaca ka qaaday inuu aaminsan yahay inuusan marnaba u saxiixin Chelsea ilaa uu wadahadal la galo Antonio Conte.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain ayaa si fantastik ah ku bilowday shaqadiisa isagoo buuxinaya booska Diego Costa, isagoo seddex gool ka dhaliyay Premier League-ga .

Si kastaba ha ahaatee, waxa ay noqon laheyd sheeko aad u kala duwan, si kastaba ha ahaatee, 24 jirkaan ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Manchester Untied horaantii xagaaga, balse Jose Mourinho ayaa u wareegay Romelu Lukaku.

Morata ayaa qiray hoosta ka xariiqay in xiddiga heerka caalami ee reer Belgium laga filayay Stamford Bridge, laakiin  Conte uu door muhiim ah ka ciyaaray inuu ku biiro kooxda heysata horyaalka Premier League, halka Lukaku uu dhaqaaqay Old Trafford.

“Haa. Waxaan Helayay dalabyo kala duwan oo la’iso bandhigayay xagaagan, ma ahan kaliya Chelsea iyo Manchester United,”Morata ayaa sidaasi u sheegay Daily Mail

“Waxay ahayd xaalad wanaagsan. Wadahadalka ugu muhiimsan ee aan la yeeshay Conte, wuxuu rabey inaan halkan yimaado. Bilowgii xagaagii, ma aanan ogeyn in Chelsea ay i xiiseyneysay. Waxaan u maleynayay inay raadinayeen ciyaaryahan kale”.

“Waxaa laga yaabaa Lukaku ama malaha qof kale, ma garanayo. Uma maleyneynin in fursada Chelsea ay furan tahay”

“Laakiin waxaan la hadlay Conte dhowr jeer – oo kaliya ma ahan xagaaga. Waxaan dareemay deynta isaga. Waxaan kawada shaqeynay Juventus, laakiin asiga si dhakhso ah ayuu uga tagay si uu u maamulo Italy. Mar walba waxaan doonayay inaan u ciyaaro.”

“Markii aan la hadlay Conte xagaagii lasoo dhaafay, waxaan dhahay “hadii aan doonayo inaan ka tago Real Madrid, kaliya waxaan aadi doona Chelsea”. Waxaan xusuustaa waqti aan la joogay xaaskeyga markii aan maqlay wadahadal,
waxaan dhahay
“Chelsea waxay ku guuleysaneysaa horyaalka xilli ciyaareedkan.” Waa sida saxda ah. Hadda waxaan u baahanahay inaan mar kale ku guuleysano”