Home Wararka Maanta 11 xiddig oo uqalma in ay matalaan xulka Qaranka somaaliya Mustaqbalka Dhaw.

11 xiddig oo uqalma in ay matalaan xulka Qaranka somaaliya Mustaqbalka Dhaw.

487
0
SHARE

Dhawr sano kasta waxaa lasii saadaaliyaa marka aan joogo dunida kubbadda cagta xiddigaha wanaagsan ee usoo baxaya xulalka, sidoo kale waxaa lasii bar calaamadeystaa kuwa noqon kara hoggaamiyayaasha, hasa yeeshee dunida ciyaaraha qaybteeda Afrika arrinkaas lagama tixgaliyo.

Waxaa jirta in xiddigo badan ay ka fadhiisanayaan kana duqoobeen xulka Qaranka Soomaaliya, mana jirto cid iswayddiisay su’aal ah yaa baddal u noqon kara kuwan haddii ay baxaan?.

Waxa aan maanta diiradda saari doonaa qoraalkeenana ku fallanqayn doonaa sida uu noqon karo Line-Up-ka Soomaaliya ama xulkeena qaranka dhawr sano kaddib anagoo ku saleynayna xiddigaha wanaagsan ee usoo baxaya.

Tani waa warbixin aan ku eegeyno xidigaha mustaqbalka wanaagsan ku leh matalista xulka qaranka soomaaliya waxaan ka soo muuqan doona xidigo bandhig wanaagsan ka sameyay ciyaarihii degmooyinka iyo kii Gobolada eek u guuleysatay maamulka Goboleedka Puntland.

FG: kama hadleyno xidigaha hada matalaya xulka qaranka soomaaliya kuwaaso ku jiraan kuwa da’yar balse waxaan ka hadleyna kuwa waligood matalin Ocean Star ama xulka Qaranka Soomaaliya.

Haddaba hoos ka akhriso xiddigaha Mustaqbalka fiican leh ee xulkeena Soomaaliya iyo kooxaha ay u ciyaaran waqti xaadirkan.

Shaxda ayaa sidaan noqoneysa 4-3-3

GOOLHAYE:

Saciid Yamani(Dekedda fc)

DAAFACYADA:

2- cabdulaahi maxamuud cumar (Konton), (Banadir S,C) 4-Cali Xabad (Heegan), 5 – Cali Cade Axmed (Horseed) , 3- Fuaad axmed Nuur (Horseed)

KHADKA DHEXE:

Cabdi Qaadir Siidow Cali (Seyga Ruushka) Dekedda , Cumar Qaxtaani (Heegan Fc) Iyo Ibraahim Cali Yaxye( Alosh) (Horseed)

WEERARKA:

maxamed kulul Jeynaa, (Banaadir) Anwar Shankunda(Elman) iyo Qeys Macalin Cabdale.(Banaadir Sports)