Home Suuqa Kala Iibsiga Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Ii iibsiga Maxaa Iska Badalay Caawa..?

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Ii iibsiga Maxaa Iska Badalay Caawa..?

133
0
SHARE

Kulanti wacan dhamaan Asxaabta Qiimaha Leh Meel Walba Aad joogtaan kuna soo dhawaada Wararka suuqa kala iibsiga fiidnimo..

Arsenal Oo Dalab Ka Gubisey Laacibka Reer Madrid E Lagu Magacabo VAZQUEZ Sida Ay Qorayso Diario Goal

Everton Oo Chalsea Ka So Diiday Dalab Dhan 25 Million Oo Ay Ka Soo Gudbisey Laacibkooda Barkley

 

Fellaini Oo Ku Sii Jeeda Kooxda Reer Turkey Fenerbahce

 

Inter Milan ayaa dalab cusub kasoo gudbisay 25 sanno jirka daafaca dambeedka dhexe ee kooxda Arsenal iyo xulka Germany Shkodran Mustafi. Sky Sports

 

Liverpool ayaa ka ogolaatay kooxda Barcelona inay ka iibiso kubadsameeyaha reer Brazil Philippe Coutinho, iyadoo Catalans ay kula wareegeyso 148 milyan oo ginni Yahoo Sports.

Madaxweynaha kooxda Atletico Madrid Enrique Cerezo ayaa wuxuu sheegay inay kooxdiisu kalsooni ku qabto inay dib ula soo saxiixan doonto weeraryahanka kooxda Chelsea iyo xulka Spain Diego Costa Daily Telegraph.

 

Newcastle United ayaa dalab 15 milyan oo ginni ah ka heshay kooxda ka ciyaarta horyaalka heerka labaad ee Championship ee Fulham iyadoo ka dooneysa 26 sanno jirka Dwight Gayle.

Kooxda ka ciyaarta horyaalka Serie A ee Napoli ayaa dooneysa inay la wareegto 23 sanno jirka qadka dhexe ee kooxda Barcelona Denis Suarez.

 

Arsenal ayaa iibin doonta gooldhaliye Alexis Sanchez, haddii ay u hesho dalab qiimo ahaan ku filan, sida laga soo xigtay madaxa qoreyaasha kubadda cagta ee shabakadda Daily Mirror John Cross.