Home Suuqa Kala Iibsiga Wararka Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartooyda Waa Sidee.?

Wararka Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartooyda Waa Sidee.?

279
0
SHARE

Subaax Wanagsan saaxiibayaal, waxaad kusoo dhawaataan wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, oo ay saakay qorayaan, wargeysyadda waa weyn ee ka faaloota ciyaaraha, iyadooona saakay suuqa uu yahay mid aad ucamiran.

Ugu horeyntii, Kooxaha Barcelona iyo Liverpool ayaa waxaa lagu waramayaa inay heshiiyeen qiimaha uu xiddigaan kaga tagayo Horyaalka Premier League, iyadoona la sheegayo inuu wiilkaan ku bixi doono aduun dhan 160million, lana soo bandhigi doono Jimcaha, oo ay ka harsan tahay Hal maalin.


Sidoo Kale, ciyaaryahanka xulka qaranka Chile, islamarkaana lagu magacaabo Alxis Sanchez ayaa waxaa la sheegayaa inuu ku dhow yahay inuu ku biiro Naadiga Manchester City, oo soo bandhigtay aduun dhan 50million, wallow sheekadaas la sheegay inay iska diiday Gunner.

Laacibka Kooxda Kubadda cagta PSG iyo dalka Argatina ee Angel Fabio Di Maria ayaa waxaa la sheegaya in isana uu ku dhow imaan doono Barcelona, xilli ciyaareedkan, waxaana shaaca laga qaadayaa inuu ku imaan doono aduun dhan 50 Malyuun, waxaana haatan soconaya wadda hadallo.

Ugu dambeyntii, Kooxda kubadda cagta Chelsea, ayaa waxay lasoo wareegtay walaalka xiddiga haatan ka tirsan kooxdaan ee Hazard, kaasoo lagu mahacaabo Kylian Hazard, waxaana uu ku biiri doona Kooxda dhalinyaradda ee Blues, waana xiddig Farsamo badan, islamarkaana ka dheela Dhaxda.