Home Wararka Maanta Sadexdii Macalin ee isku badashay Manchester United oo hal meel ku kulmay+Sawiro

Sadexdii Macalin ee isku badashay Manchester United oo hal meel ku kulmay+Sawiro

92
0
SHARE

Macalimintii isku badashay Manchester United Xiliyadii la soo dhaafay ayaa markii u Horeysey ku kulmey hal meel Waxaana isugu yimaadeen shirka Sanad laha ah ee Xiriirka UEFA macalimiinta u diiwaan gashan ay isugu yimaadaan.

Sir Alex Ferguson Louis van Gaal iyo Jose Mourinho ayaa ku kulmay Xarinta shirararka UEFA waxaana lasheegayaa in ay jirto cuqadad u dhaxaysa Jose Mourinho iyo Luis Van Gaal kuwaas oo ahaa Macalimiintii ugu dambeeyey ee isku badalay Naadiga Manchester United iyaga oo aan isa salaamin.

Shirka Macalinmiinta UEFA ayaa ka dhacay Magaalada Nyon waxaana Macalimiintii ka soo muuqday ka mid ahaa Ernesto Valverde, Massimiliano Allegri, Zinedine Zidane, Jose Mourinho, Leonardo Jardim Giorgio Marchetti, Eduardo Berizzo, Rafa Benitez, Louis van Gaal, Aleksander Ceferin, Sir Alex Ferguson,

Isku imaatinka Macalimiinta iyo Cayaartoyda qaar oo lagu Casuumay ayaa looga hadlaa Hor u marka kubada Cagta qaarada yurub waxaana UEFA wakiil uga ah oo soo qaban qaabiya Macalinkii Hore ee Manchester United Sir Alex Ferguson,

Dadka ka soo qayb galay shirka?

Managers

Massimiliano Allegri (Juventus), Rafael Benítez (Newcastle), Eduardo Berizzo (Sevilla), Sergio Conceicao (Porto), Unai Emery (PSG), Bruno Genesio (Lyon), Leonardo Jardim (Monaco), Jose Mourinho (Manchester United), Maurizio Sarri (Napoli), Ernesto Valverde (Barcelona), Rui Vitoria (Benfica) and Zinedine Zidane (Real Madrid).

Xabi Alonso, Deco, Leonardo, Peter Schmeichel, Clarence Seedorf, Dejan Stanković, David Trezeguet and Javier Zanetti.