Home Suuqa Kala Iibsiga Man United oo kusoo biireysa loolanka sanchez, waxa ka cusub aadidiisa city...

Man United oo kusoo biireysa loolanka sanchez, waxa ka cusub aadidiisa city iyo xogtii ugu dambeysay ee bixitaanka wiilkaan

109
0
SHARE

Ciyaaryahanka Kooxda kubada cagta Arsenal ee dalka Ingiriiska, ayaa waxaa lagu waramayaa inuu ku dhow yahay inuu ku biiro Naadiga Manchester City, iyadoona xaaladiisa lagu la sheegayo in aysan wali kala cadeyn Mustaqbalkiisa Xilli Ciyaareedkan ee EPL-ka.

Wiilkaan ayaa la sheegayaa in imaanayo Kooxdaan, iyadoona naadigiis ay soo bandhigtay aduun dhan 70million, sida ay sheegayaan warbaahinta, islamarkaana loo raacsiiyo xiddig, kaasoo noqon kara laacibka Starling, oo kamid ah xiddiga ugu fiican ee Kooxdaan.

Majalada The Sun, ee kasoo baxda dalkaas ayaa waxay sheegeysaa in Manchester United ay kusoo biireyso Loolanka xiddigaan, islamarkaana ay dooneyso inay ka afduubato Muwaadiniinta, waxaana ay sheegeysaa Jariiradaan, inay ku dooneyso aduun dhan 80million.

Sheekadda ku aadan in Sanchez, uu ka tagayo Kooxdiisa ayaa waxay tahay midda kalliya oo ay hadalhayaan warbaaniadda kala duwan ee caalamka, iyadoona sacad waliba ay kusoo kordhaan, wax cusub, iyadoona warkii ugu dambeeyay uu sheegayaan inay socdaan wada hadalo Mira dhal ah.