Home Suuqa Kala Iibsiga Jonny Evans oo kala caddeeyey kooxda uu door bidayo inuu ku biiro...

Jonny Evans oo kala caddeeyey kooxda uu door bidayo inuu ku biiro Arsenal iyo Manchester City

78
0
SHARE
WEST BROMWICH, ENGLAND - MARCH 04: Jonny Evans of West Bromwich Albion during the Premier League match between West Bromwich Albion and Crystal Palace at The Hawthorns on March 4, 2017 in West Bromwich, England. (Photo by Tony Marshall/Getty Images)

Difaaca kooxda West Bromwich Albion ee Jonny Evans ayaa la soo warinayaa inuu go’aansaday inuu u dhaqaaqo Manchester City, inkastoo ay xiiso uga imaanayeen Arsenal.

City ayaa labo dalab oo ay horay uga gudbisay 29-sano jirkaan laga soo diiday xagaagan, kooxda West Brom ayaana ku dooneysa xiddigan 30 milyan oo gini, iyadoo Arsenal la fahamsan yahay inay isku dayday inay soo afjarto dalabkaas oo ay ka afduubato Man City.

Si kastaba ha haatee, Wargeyska Daily Mail ayaa warinaya in Evens uusan xiisaynayn inuu u dhaqaaqo garoonka Emirates, isla markaana taa bedelkeeda uu door bidayo inuu ku biiro kooxda tababare Pep Guardiola ee Man City.

Leicester City ayaa sidoo kale laga soo diiday dalab ay ka dubisay xiddigaha xulka qaranka Northern Ireland.

Evans ayaa naadiga Baggies lagu naanayso uga soo biiray kooxda ay Man City xafiiltamaan ee Manchester United, waxaana ay uga soo qaateen 6milyan oo gini bishii Agoosto sanadkii 2015-kii, tan iyo markaas waxa uu kooxda West Brom u saftay 65 kulan tartammada oo dhan.