Home Suuqa Kala Iibsiga Hishiisyada Laga Yaabo In Ay Dhacaan Intuusan Xermin Suuqa Kala Iibsig, Dhamaan...

Hishiisyada Laga Yaabo In Ay Dhacaan Intuusan Xermin Suuqa Kala Iibsig, Dhamaan Kooxaha Waa Weyn Ee Qaraba Yaa Imanaya Yaase Ka Tagaya ( Akhriso)

69
0
SHARE

Suuqa kala iibsigaan ayaa wuxuu yahay midkii ugu tiradda badnaa ee la filan karo inay ku baxaan ciyaaryahano badan, iyadoona xiddigahaas ay ku dhaqaaqi kara, kalliya Hal mood, marka laga hadlayo dhamaan Shanta Horyaal ee ugu xiisaa badan Qaarada Yurub.

Xiddigaha ay kamid yihiin Diego Costa, Renato Sanches iyo Lucas Perez, kuwa ugu dhow inay macsalaameeyaan Naadiyadooda, iyadoona laacibiintaan ay a tagi karaa marka 31-ka bishaan Agoosto, waxaana ay bartilmaameed uyihiin kooxo waa weyn oo Yurub ka dhisan.

Diego Costa ayaa wuxuu yahay ciyaaryahanka, kalliya ee qabsaday warbaahinta dalka Ingiriiska ee bixitaankiisa, waxaana muuqaneysa In Chelsea aysan dooneyn in wiilkaan ay si dhib yar ama fudud ay kusii deyso – Xiddigaan ayaa wuxuu doonayaa inuu ku biiro Atletico Madrid balse Conte iyo Blues ayaa diidan.

30-ka xiddigood ee la rajeynayo inay ku baxaan ayaa waxaa badankooda ay ka imaan doonaan Horyaalka Premier League, iyagoona uciyaara naadiyadda waa weyn, waxaana kamid ah Alexis Sanchez, Philippe Coutinho, iyo Riyad Mahrez, waxaana xaalku umuuqdaa mid aan sahlaneen.

Kalliya sedax kooxood ayaa waxay yihiin kuwa si weyn uga faa’idi doona Suuuqaan waxaana ay kala yihiin Manchester City, Barcelona iyo Roma, kuwaasoo shiishka ku haya Xiddigo waa weyn oo ay is lee yihiin waxay idin kula difaaci dagaalami doonaan Xagagaa cusub.

Waxa jira xiddigo dhowr ah, kuwaasoo qarka usaaran inay ka tagaan kooxahood, islamarkaana ay ubedashaan kooxaha kale, waxaana kamid ah Lucas Perez, Virgil van Dijk, Bojan, Fernando Llorente, iyadoona kuwa kale, oo ay ku jiraan Alex Oxlade-Chamberlain, Shkodran Mustafi, Eliaquim Mangala iyo Loic Remy, uu dhacayo ama dhici doono.

Sidoo Kale, Andreas Pereira, ayaa waxaa la filayaa in laga iibiyo Naadiga Valencia, iyadoona Jonny Evans, uu si lama filaan ah ugu dhaqaaqi karo Kooxda ka dhisan Magaalada Machester ee Sky Blues lagu naaneeso, waxaase la filan karaa inuu boxo dhawan

Warka ugu weyn ee Horyaalka La Liga, laga soo calaamadeenayo ayaa wuxuu yahay sheekadda ku aadan in Barcelona, ay ka tagi karaa xiddigaha kala ah Arda Turan iyo Andre Gomes, waxaana uu yahay mawduuca kowoaad ee suuqa kala iisiga Horyaalkan.

Turan ayaa wuxuu dib ugu laaban karaa Dalkiisa, gaara ahaan kooxda Galatasaray, dhankiisa Gomes, uu ku biiri karo Naadiga ka dhisan Horyaalka dalka Talyaaniga, islamarkaana iska haysata Serie A ee Juventus, waxaana uu bixi karaa Xagagaan gaara ahaan suuqa kala iibsigaan.

Naadiga Valencia, ayaa waxay iyadana ay lumin kartaa xiddigaha kala ah Ezequiel Garay iyo, Orellana, waxaana si weyn loola hadalhayaa inay ku biiri karaan Kooxda Juventus, oo ay horey uu soo dheleeen, iyadoona la sheegayo inay ku biiri kataan Kooxda Getafe.

Dhanka kale, xiddiga Luciano Vietto, ayaa wuxuu isana ku bixi karaa Suuqa kala iibsigaan, isagoona uu ku xeran yahay bixitaankiisa imaanshaha Weeraryahanka Blues iyo qaranka Spain, Diego Costa kaasoo haatan aan kala cadeyn Mustaqbalkiisa Chelsea.

Marka la joogo Horyaalka Faransiiska, dagaalka ugu badan wuxuu dhaxmarayaa Kooxaha kala ah PSG iyo Monaco – Unai Emery macalinka PSG ayaa wuxuu lasoo saxiixday Neymar, isagoona doonayaa inuu lasoo wareego weraryahanka Kylian Mbappe, oo Monaco ka tirsan.

Angel Di Maria ayaa laga iibin karaa Barcelona, halka Lucas Moura, Serge Aurier, Julian Draxler, Hatem Ben Arfa, Grzegorz Krychowiak iyo Goncalo Guedes, lala xiriirinayo inay baxayaan, waxaana qaarkood dooneysa Valencia – Monaco ayaa sidoo kale iibin karta Lemar, wuxuuna 72 ugu biiri karaa Liverpool.


Benedikt Howedes iyo and Renato Sanches, ayaa waxay yihiin labada xiddig ee kalliya ee ka tagi kara, Kooxahooda marka Bundesliga, ala joogo – Daafaca Schalke, ayaa wuxuu ku biiri karaa Juventus, si uu bedal ugu noqdo Leonardo Bonucci, halka xiddiga Portugal, uu aadi karo midkood Ingiriiska iyo Talyaaniga.

Gaban gabadii, sheekada ugu weyn ee laga soo calaamadeenayo Horyaalka Talyaaniga ayaa waxay tahay, in laacibka Lazio, ee Keita Balde Diao, uu ku biirayo mid kood Naadiyada kala ah Inter iyo Juventus, waxaana la sheegayaa inuu ku bixi karo Suuqa kala iibsigaan.