Home Suuqa Kala Iibsiga DEG-DEG: Everton oo diidday dalabkii Chelsea ee Ross Barkley

DEG-DEG: Everton oo diidday dalabkii Chelsea ee Ross Barkley

169
0
SHARE

Everton ayaa diidday dalab £25m ah oo ay kooxda Chelsea ku doonatay Ross Barkley, laacibka dalka England ee booska dhexe ayaase la aaminsanyahay in uu kooxdiisa ka tegi karo ka hor Khamiista oo ah maalinta Suuq xiranka.

Chelsea ayaa dalabkaas laga soo diiday, waxaana Everton ay sheegeysaa in aysan wiilkan ku dhiibi doonin wax ka yar £50m ha yeeshee waxaa kooxda laga codsaday in ay qiimahaas dhinto, maaddaama uu heshiisku ka dhacayo laacibka sanadka dambe.


Wiilkan oo 23-jir ah ayaa diiday in uu kooxdiisii yaraanta heshiiska u badiyo.

Kooxo badan oo ay ku jirto Tottenham, ayaa aad u baacsanaya Barkley, kaasoo go’aankiisana laga warsugi doono, sidoo kalena qiimaha kooxdu dalbatay lagu eegan doono.

Everton waxay ku qasbantahay laba Arrin middood, in ay heshiiska ka kororsato Barkley ama in ay aqbasho iibintiisa, haddii kale 12 bilood dabadood wuxuu ku tegi doonaa si Bilaash ah.