Home England Chelsea oo ka baqdin qabta in Liverpool ay ka Afduubato saxiixa Alex...

Chelsea oo ka baqdin qabta in Liverpool ay ka Afduubato saxiixa Alex Oxlade-Chamberlain

102
0
SHARE

Chelsea ayaa baqdin xooggan ka qabta in saxiixa Alex Oxlade-Chamberlain uu ka weecdo garoonkeeda Stamford Bridge.

Ka gadaal heshiis ku kacaya £40millionn oo ay Isniintii la gaartay kooxdiisa Arsenal, kooxda horyaalka ilaashaneysa ayaa aad ula dhacsan Oxlade-Chamberlain kaasoo weli ku sugan meesha xulka England uu ku tababaranayo ee St George’s Park iyadoo la filayay in habeenka Talaadada uu laacibku kasoo dhaqaaqi lahaa halkaas.

Chelsea ayaa u meleyneysay in heshiisku dhammeystirmay — balse macallin Antonio Conte ayaa baqdin xooggan ka qaba in Liverpool ay ka dulqaaddo laacibka dalka England kooxdiisa.

Oxlade-Chamberlain ayaa ah laacibka dooqa koobaad ee Blues isla markaana waxay dooneysaa in ay midigta difaaca ka dheelsiiso, halka Anfield laga siinayo shaqo booska dhexe ah waana midda uu doonayo isagu boos ahaan.