Home Suuqa Kala Iibsiga Arsenal oo ka fiirsanaysa inay kooxda Barcelona siiso Mesut Ozil si ay...

Arsenal oo ka fiirsanaysa inay kooxda Barcelona siiso Mesut Ozil si ay uga hesho xiddigan oo lagu daray lacag kaash ah!

104
0
SHARE

Sida wararku ay sheegayaan kooxda kubadda cagta Arsenal ee dalka Ingiriiska ayaa ka fiirsanaysa inay naadiga Barcelona siiso xiddigeeda Mesut Ozil si ay kooxda reer Spain uga hesho xiddig iyo lacag kaash ah.

Jariiradda Mundo Deportivo ayaa daaha ka qaaday in kooxda tababare Arsene Wenger ay ka fiirsanayso inay laacibkeeda reer Jarmal ee Mesut Ozil ku bedelato lacag kaash ah oo aan qiimaheeda la sheegin oo lagu daray Arda Turan.

Waxa uu Mesut Ozil ka mid yahay xiddigaha kooxda Arsenal ee heshiiskoodu dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedkan, waxaana intaas dheer in xiddigu uu xilli horeba hakiyey wadahadalladii heshiiska loogu kordhin lahaa.

Tababare Arsene Wenger ayaa ku adkeysanaya in xiddiga xulka qaranka Jarmalka ee Mesut Ozil uusan iib ahayn oo uusan ka bixi doono albaabka garoonka Emirates.

Si kastaba ha ahaatee kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa dhankeeda fursad u aragta inay la wareegto kubbad abuurahan ka tirsan Arsenal kaasoo ay muddo badan ku raad joogtay.